Sbs Somali - Sbs Afomali

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editor: Podcast
  • Duración: 160:55:42
  • Mas informaciones

Informações:

Sinopsis

Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.

Episodios

  • SBS News Somali: Warka Talaado 23 December 2025

    23/12/2025 Duración: 05min

    Dacwad dhinaca dastuurka ah ayaa laga yaabaa in laga gudbiyo, tallaabooyinka ka-hortagga mudaharaadyada ee laga hirgelinayo gobolka New South Wales, kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi. Baarlamaanka gobolka ayaa dib loogu yeeray kulan socdey laba maalmood, si ay u ansixiyaan sharciyo xaddidaya mudaharaadyada, bartilmaameedsanaya hadallada naceybka isla markaana adkaynaya shuruucda lahaanshaha hubka.

  • SBS News Somali: Warka Insiin 22 December 2025

    22/12/2025 Duración: 04min

    Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa dib loogu yeeray si ay u fariistaan labada maalmood ee, 22-ka iyo 23-ka Diseembar, si looga doodo arrimo kala duwan oo kuwada jira hal sharci oo keliya, kuwaas oo daba socda weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi.

  • SBS Somali Program Full: Barnaamijkii Jimce 19 December 2025

    21/12/2025 Duración: 51min

    Barnaamijkii Soomaaliga ee Jimce 19 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis waa laga reebay

  • How to cope during a heatwave in Australia - Sida looga badbaado kulaylka xad-dhaafka ah ee Australia

    21/12/2025 Duración: 14min

    Summer in Australia can be very hot, and as our climate continues to warm, heatwaves are expected to become more frequent and more intense. In this episode of Australia Explained, we cover what a heatwave is, why they pose such a significant risk to human health, who is at most risk, and how to best prepare to cope with a heatwave. - Xilliga xagaaga ee Australia aad buu u kululaan karaa, iyadoo isbeddelka cimiladuna sababayo in kulaylka darani soo noqnoqdo oo sii xoogeysto. Qaybtan barnaamijka Australia Explained, waxaan ku sharaxaynaa waxa uu yahay 'heatwave', sababta uu khatar weyn ugu yahay caafimaadka dadka, cidda ugu nugul saameyntiisa, iyo sida ugu habboon ee loogu diyaargaroobo oo loola qabsado.

  • SBS News Somali: Warka Jimce 19 December 2025

    19/12/2025 Duración: 11min

    Dowladda Australia ayaa dejin doonta barnaamij qaran oo cusub oo dib loogu soo iibsanayo hubka, kaddib dilkii 15 qof loogu geystey, weerar argagixiso oo ka dhacay xeebta Bondi Beach, Axaddii lasoo dhaafay.

  • Somalia News: Jimce 19 December 2025

    19/12/2025 Duración: 02min

    Warkii Soomaali ee Jimce, 19 December 2025

  • Murugada masiibadii xeebta Bondi Beach iyo bogsiinta

    19/12/2025 Duración: 11min

    Ka dib weerarkii naxdinta lahaa ee ka dhacay xeebta Bondi Beach, hay’adda New South Wales Health ayaa bilowday adeeg degdeg ah oo ku saabsan caafimaadka maskaxda. Dhakhaatiir iyo khubarada caafimaadka maskaxda oo si gaar ah loo tabo-baray ayaa laga hawl-geliyey xaafadaha Bondi iyo Coogee, iyaga oo shaqaynaya 8 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo, maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

  • SBS News Somali:Warka Khamiis 18 December 2025

    18/12/2025 Duración: 04min

    Dawladda Australia ayaa ku howlan soo saarridda sharciyo wax ka qabta faafinta necaybka, kala qaybsanaanta iyo xag-jirka, ka dib toogashadii xeebta Bondi.

  • SBS News Somali: Warkii Arbaco 17 December 2025

    17/12/2025 Duración: 11min

    Kooxaha Yuhuudda Ausralia ayaa Ra'iisal-wasaaraha ku boorriyey la dagaallanka nacaybka Yuhuudda, iyadoo ay dowlad-goboleedyaduna ka fiirsanayaan adkaynta ruqsadaha hubka, iyo inay dadka aan muwaaddiniinta ahayn ka mamnuucaan lahaanshaha hubka.

  • Somalia News - Warkii Soomaaliya 17 December 2025

    17/12/2025 Duración: 04min

    Warkii Soomaaliya ee Arbaca 17 December 2025

  • Sharciga hubka Australia ma adag yahay? Weerarkii Bondi ka dib

    16/12/2025 Duración: 11min

    Golaha Qaranka ee Australia ayaa mar kale go’aansaday in si degdeg ah loo adkeeyo shuruucda lahaanshaha hubka, ka dib weerarkii argagixisada ee ka dhacay Xeebta Bondi ee ku taalla magaalada Sydney, halkaas oo nin haysta ruqsad hub, iyo wiilkiisu ay ku dileen ugu yaraan 15 qof.

  • Deeqda Wheelchair-ka: Sida uu Des u beddelay nolosha 12,000 oo qof

    16/12/2025 Duración: 07min

    Koox iskaa-wax-u-qabso ku shaqaysa ayaa soo aruursada baskeellada ama bushkleetiyada gabooba ee la tuuro, iyagoo dabadeed ka sameeya kursi taayiro leh oo ay isticmaali karaan carruurta curyaannada ahi. Hay’ado samo-fal oo caalami ah ayay u sameeyaan.

  • SBS News Somali: Warka Australia iyo caalamka 16 December 2025

    16/12/2025 Duración: 04min

    Hoggaamiyaha mucaaradka, Susan Ley, ayaa dowladda ku sheegtay inay ku fashilantay ilaalinta muwaadiniinta Yuhuudda Australia. Hoggammiyaha Jarmalka ayaa rajo ka muujiyey nabadaynta Ruushka iyo Ukraine.

  • SBS News Somali: Warka Isniinta 15 December 2025

    15/12/2025 Duración: 05min

    Weerar argagxiso oo shalay galab lagu qaaday xeebta Bondi Beach ee Sydney ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen16 qof oo midkood yahay cunug. Aabbe iyo wiilkiisa ayay booliisku sheegeen in lagu eedeeyey weerarka rasaasta ah.

  • SBS Somali Full Prgram: Barnaamijkii Jimce 12 December 2025

    15/12/2025 Duración: 49min

    Barnaamijkii Jimce 12 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis ma laha.

  • Your first steps to engaging with Indigenous Australians - Sida Loo Bilaabo Fahamka iyo Dhex-galka Dadka loogu yimid Australia

    14/12/2025 Duración: 11min

    Connecting with Indigenous Australia can be daunting for a newcomer to the country. So, where do you start? We asked Yawuru woman Shannan Dodson, CEO of the Healing Foundation, about simple ways to engage with First Nations issues and people within your local community. - Haddii aad ku cusub tahay Australia, waxaa laga yaabaa inaad maqashay erayada “Country”, “Traditional Owners”, ama “First Nations”. Waa muhiim inaad ogaato waxa ay ka dhigan yihiin. Qaybtan Australia Explained waxaannu ku sharraxaynaa siyaabo fudud, oo aad ku bilaabi karto barashada bulshooyinka First Nations iyo dhaqammadooda

  • SBS News Somali: Warka Australia iyo caalamka 12 December 2025

    12/12/2025 Duración: 08min

    Barta bulshada ee Reddit ayaa dacwad sharci ah ka gudbisay xayiraadda Australia ee baraha bulshada ka mamnuucday carruurta ka yar 16 sano. Afar nin oo Faransiis ah ayaa lagu eedeeyey inay guri Camberra ku yaalla ka xadeen alaabo lagu qiimeeyey 10 milyan oo doollar.

  • Somaliya News: Warka Soomaaliya 12 December 2025

    12/12/2025 Duración: 08min

    Warka Soomaaliya ee Jimcaha 12 December 2025

  • Trump oo Yurub maagay Ukraine oo dagaal ku jirtona ku cadaadiyey inay doorasho qabtaan

    12/12/2025 Duración: 08min

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday waddamada qaaradda Yurub. Madaxweynaha ayaa waraysi uu bixiyey, oo hadal-hayn badan dhaliyey, ku sheegay inay qaaradda Yurub “duminayso” sabab la xiriirta siyaasadahooda socdaalka kuwaas oo uu ku tilmaamay siyaasado daciif ah.

  • SBS News Somali: Warkii Australia iyo caalamka 10 December 2025

    10/12/2025 Duración: 10min

    Boqolaal kun oo dhallinyaro ah ayaa maanta - Arbaco 10 December 2025 - laga mamnuucay baraha bulshada, kadib markii la dhaqan-geliyay sharciyo noqday kuwii ugu horreeyey adduunka, oo loogu talo galay in carruurta si fiican looga ilaaliyo khataraha internet-ka. Instagram, Facebook, Snapchat, YouTube iyo TikTok ayaa ka mid ah baraha aqbalay inay fuliyaan xeerarka cusub, kuwaas oo mamnuucaya in qof ka yar 16-jir uu yeesho akoon.

página 3 de 42