Sinopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodios
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 10 December 2025
10/12/2025 Duración: 10minDoorashada golayaasha deegaannadda Benaadir oo la qaban doono 25 December 2025 iyo urrurradii ugu badnaa oo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha usoo gudbiyey liiska musharxiinta.
-
Waraysi: Maxamed Wardheere oo ka warramay saamaynta eedaynta Donald Trump ee Soomaalida Maraykanka
09/12/2025 Duración: 18minEedeyntii madaxweynaha Maraykanku sidee bay u saamaysay Soomaalida Maraykanka? Waxaa inooga warramaya Maxamed Wardheere.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 9 December 2025
09/12/2025 Duración: 03minWill 14-jir ah oo ku dhintay shil ka dhashayE-bike uu watey iyo baabuur oo ka dhacay Melbourne. Wasiirka isgaarsiinta Australia, Anita Wells, oo lagu eedayanayo kharashaad badan iyo Australia iyo Maraykanka oo shir muhiim ah ku leh Washington.
-
'Fursad na siiya’: Qoysas qaxooti ah oo Australia ku xanniban oo sugaya go’aan
09/12/2025 Duración: 13minIn ka badan 900 oo qof oo magangelyo-doon kana mid ah dadkii doonyaha ku yimid Australia ku dhawaad 13 sano kahor — ayaa weli ku sugan xaalad ah hubnati la’aan fiise, iyaga oo u dadaaalaya in la siiyo fiise ay waddanka si joogto ah ugu degaan. Waxaana caqbad ku noqotay siyaasaddii socdaalka ee 2013-dii lagu soo rogay dadka doonyaha kusoo gala.
-
SBS Somali News - Warka Isniin 8 December 2025
08/12/2025 Duración: 04minWarka Australia iyo caalamka ee maanta oo Isniin ah: 8 December 2025
-
SBS Somali Full Friday Program - Barnaamijkii Jimcaha 5 December 2025 oo dhan
08/12/2025 Duración: 49minHalkan ka dhegeys barnaamijkii jimce 5 December 2025 oo dhammays tiran.
-
SBS Somali News - Warkii Australia iyo caalamka: Jimce 5 December 2025
05/12/2025 Duración: 09minDigniin ku saabsan kulayl aad u sarreeya ayaa laga soo saaray inta badan gobolka New South Wales, iyadoo la filayo in heerkulku qaybo ka mid ah magaalada Sydney uu gaaro 40°C. Sharci ay soo wada saareen dowlad-goboleeyada Australia ayaa dhigayaa in haddii hal dowlad-goboleed ay qof ka mamnuucdo haysashada, Working with Children Check, ay sidoo kale, kuwa kalena ka mamnuucayaan.
-
Somalia News - Warka Soomaaliya ee Jimce 5 December 2025
05/12/2025 Duración: 08minMadax-weynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo xidhay shirweynihii 6aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka Soomaaliya. Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdirahmaan Aadan ayaa isna sheegay in ciidanka asluubta oo xaalad adag ku shaqeeya laga been sheegay.
-
A parent’s guide to help teens adjust to social media age restrictions - Hagaha Waalidka: Sid dhallinta loogu diyaariyo mamnuucidda baraha bulshada
05/12/2025 Duración: 10minAustralia is restricting access to social media accounts for under-16s, and many families are wondering what it means in practice. While the rules place responsibility on tech platforms rather than young people or their parents, the changes may still create stress for teens who rely on social media to stay connected. Find out how the ban will work, why connection still matters, and how experts suggest supporting young people through the transition. - Australia ayaa caruurt ka yar16-jir ka xaddideysa baraha bulshada, waana arrin ay qoysas badani ka walaacsan yihiin. In kasta oo ay xeerarku mas’uuliyadda saarayaan shirkadaha, ayay haddana culays saari kartaa waalidka iyo caruurta baraha u isticmaasha xidhiidhka. Wax ka ogow sida mamnuuciddu u shaqayn doonto, sida xidhiidhka carruurtu weli muhiim u yahay iyo talada ay bixiyeen khubaradu.
-
'Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo eey': Maxaa Maxamed kaga dhacay xabsiyada socdaalka Australia
04/12/2025 Duración: 13minKoox ka socota Qaramada Midoobay oo u qaabilsan Kormeerka xirista sharci-darada ah, ayaa baaraysa sida dadka soo-galootida ah looga qaado xorriyaddooda ha noqoto in lagu xiro xabsiyo dalka gudihiisa ah, ama kuwo ka baxsan-ba’e.
-
SBS News Somali: Warkii Khamiista 4 December 2025
04/12/2025 Duración: 05minToban ka mid baraha bulshada ayaa waajihi doona ganaax dhan konton million oo doollar ($50 million) haddii ay 10 December masixi waayaan dhammaan koontooyinka dadka Australiyaanka ah ee ka yar 16 jir.
-
SBS News Somali: Warkii Arbaca 03 November 2025
03/12/2025 Duración: 11minDowladda Federaalka Australia ayaa doonaysa in dacwad-wadareedka ka dhanka ah ciidanka difaaca dalka (ADF), laga saaro eedeymaha la xiriira tacaddiyada galmada iyo takoorka ee ka dhacay dalka dibaddiisa
-
Somalia News - Warkii Soomaaliya ee Arbaca 03 November 2025
03/12/2025 Duración: 10minAfartan iyo saddex (43) ka mid ah ururrada siyaasadda ee diiwaan gashan oo ka shiray habka loo wajahayo qabashada doorashooyinka. Xaruunta wasaaradda qorshaynta Soomaaliyana waxaa lagu qabtay shir looga hadlayey dardar gelina gurmadka abaaraha Soomaaliya ka jira.
-
Diiratada (larvae farms) ayaa xal looga helay dhibaato $38 billion oo doollar ah
03/12/2025 Duración: 09minHaweeney la yiraahdo Olympia Yarger [[Yar-gah]], ayaa waxay alliftey nidaam looga faa’ideysto, haraaga cuntada iyada oo u adeegsatey cayayaan la yiraahdo, Black Soldier Insects. Waa nooc ka mid ah, cayayaan ku jira maraxaladda diiratada ama dirindiirta oo ah wejiga labaad ee nolosha aymaraan cayaayaanku inta aanay u gudbin wejiga duulista ah kan ay fidsadaan baalasha.
-
Codsigii cafiska ee Netanyahu oo sababay cadho iyo debedbaxyo
03/12/2025 Duración: 10minIsrael waxaa ayaamahan ka socda gilgil siyaasadeed kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu si rasmi ah, codsi cafis-doon ah ugu gudbiyay Madaxweyne Isaac Herzog , isagoo raba in laga cafiyo dacwaddiisa weli socota ee ku saabsan musuqmaasuqa.
-
SBS News Somali - Warka Talaado 02 November 2025
02/12/2025 Duración: 03minXubno ka tirsan Guddiga Qaramada Midoobay ee Ka Hortagga Xiritaanka Sharci-darro (UN Working Group on Arbitrary Detention) ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Australia 1–12 December, si ay u eegaan xaaladaha xabsiyada, saldhigyada booliska iyo xarumaha lagu hayo dhalinyarada.
-
Dambkaymeedka halistiisa korodhay oo laga digey xilligan summer-ka
02/12/2025 Duración: 05minXilligii kulaylaha ee summer-ka la yiraahdo, ayaa hadda si rasmi ah uga bilaabmay Australia. Dadka Australian-ka ayaa sidaa darteed lagu boorrinayaa in aanay is dhiggannin oo ay ammaankooda ilaaliyaan.
-
Albo Wedding - Arooskii Ra'iisal Wasaarha Australia
01/12/2025 Duración: 05minRa’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese iyo lamaantiisa Jodie Haydon ayaa maalinkii sabtida ee November ahayd 29 isku guursaday, maglaada Cambera, halkaas oo ay ka dhacday xafladdii meherkoodu.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 01 December 2025
01/12/2025 Duración: 05minKor-joogaha madaxa bannaan ee dowladda Australia u qaabilsan Internet-ka, ayaa sheegaysa in baabuurta casriga ah – ee loo yaqaan smart cars – loo adeegsanaayo in lagu basaasao laguna raadraaco haweenka la kulma tacaddiyada guryaha. Godka tareennada hoos maraan ee Metro Tunnel oo ku yaalla Melbourne ayaa 24 saacadoo guduhood adeegsaday in ka badan 70,000 oo rakaab markii ugu horreysey ee la furay.
-
SBS Somali Full Program - Barnaamijkii jimcaha 28 November 2025
30/11/2025 Duración: 50minDhegeyso barnaamijkii jimcaha 28 November 2025 oo dhammays tiran oo laga reebay xayaysiiskii.