Sinopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodios
-
Xannaanada carruurta oo la raqiisiyey saddex beri toddobaadkiiba
08/01/2026 Duración: 08minWaalidiinta carruurtooda u dira xarumaha xannaanada carruurta (childcare) ayaa hadda loo oggolaaday in kharashka xannaanada caruurta laga bixiyo 90 boqolkiiba, muddo saddex maalmood ah toddobaadkii, iyada oo aanan lagu xiraynin wax shuruud ah.
-
SBS News Somali - Warka Khamiis 8 January 2026
08/01/2026 Duración: 05minVictoria oo berri oo jimce ah laga mamnuucay shididda dab, kulaylaha daran awgii. Ingiriiskuna wuxuu sheegay inuu Maraykanka ka caawiyey qabashada markab nooca shidaalka ah oo lala xidhiidhiyey Venezuella iyo Iiraan.
-
SBS News Somali - Warka Arbaco 7 January 2026
07/01/2026 Duración: 09minWasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa booqasho ku tagay Somaliland, isagoo ballanqaaday in Israa’iil ay ka furi doonto safaarad, kaddib markii Israa’iil noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqashadaas ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo lagu sameynayo arrimaheeda gudaha.
-
Somalia News - Warka Soomaaliya 7 January 2026
06/01/2026 Duración: 07minCulimada diinta ee Muqdishu ayaa iclaamiyey bannaan-bax looga soo horjeedo, waxa ay ku tilmaameen faro-gelinta Israel ee Soomaalia.
-
Siraha 2005: Masiibooyin, Amni iyo Cudurrada Faafa ee Ku Qornaa Waraaqahii Golaha Wasiirrada
06/01/2026 Duración: 11minBoqolaal waraaqood oo ay ku qoran yihiin xogohii qarsoodiga ahaa, ee sidii ay u shaqayn jirtey xukuumaddii Jonh Howard 2005-tii ayaa hadda la sii daayey ama la fasaxay. Waxyaalaha ku qorannaan waxaa ka mid ah, digniino ku saabsan doorka ay ciidamada difaaca Australia ka qaadanayeen qulquladihii ka jirey dalka Afghanistan iyo sida ay Austraalia diyaar ugu ahayd masiibo cudur faafa
-
DIB-U-EEGIS 2025: Caafimaadka Australia – wax cusub iyo halganno hore
06/01/2026 Duración: 13minWaxaa la xaqiijiyay inay Australia tahay dalka ugu xasaasiyadda badan dunida. Sanboorka ayaa ku dhaca ku dhowaad 24% dadkaa Australia , halka xasaasiyadda cuntada laga qaadaanaa ay saamayso qiyaastii 7%. Australia ayaa sidoo kale ah waddanka ay ugu badan yihiin carruurta qabta xasaasiyadda cuntadu.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 6 Junuary 2026
06/01/2026 Duración: 05minWararka Talaado, waxaa ka mid ah, ninkii lagu eedeeyey weerarkii xeebta Bondi Beach oo loo wareejiyey xabsi ammaankiisu aad u adag yahay. Xaafadaha darafyada magaalooyinka waaweyn oo looga digey dab-dabkaymeedyo. Iyo M.weynaha Ukraine oo sheegay inay Ruushka ka dileen 35,000 oo askari bishii December.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 5 January 2026
05/01/2026 Duración: 04minBoqollaal malyan oo doollar ayaa weli Sydney ku sugaya inay dadkii xaq u lahaa soo dalbadaan. Hay'adda Revenue New South Wales ayaa haysa lacago kala duwan oo baadi ah, dadkii lahaana aanay soo dalbannin.
-
Barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammaystiran
05/01/2026 Duración: 55minWaa barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammays tiran
-
Warkii Soomaaliya - Jimce 2 January 2026
02/01/2026 Duración: 07minXildhibaannada baarlamanka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir ay yeesheen.
-
Malaysia Airlines MH-370 oo dib loo raadinayo tobaneeyo sano ka dib
30/12/2025 Duración: 15minBaadigoob cusub oo dib loogu raadinayo diyaaraddii Malaysia Airlines ee number-ka duulimaadkeedu ahaa MH370 ayaa dib loo bilaabay Talaadadii, December 30 2025, in ka badan toban sano kaddib markii ay diyaaraddaasi luntay. Diyaaraddaas ayaa ka duushay magaalada Kuala Lumpur kuna sii jeedday magaalada Beijing, iyadoo ay saarnaayeen 239 qof.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 30 December 2025
30/12/2025 Duración: 04minBooliiska New South Wales ayaa xiray nin lagu eedeeyey qorsheyn toogasho goob dadweyne. Premier-ka New South Wales, Chris Minns, ayaa ka digey korodhka Islam-necaybka oo la sheegay inuu kordhay dhacdadii Bondi ka dib.
-
Khadka taageerada qaxoontiga oo mashquul noday weerarkii Bondi ka dib
29/12/2025 Duración: 10minKhadka telephone-ka ee taageerada qaxoontiga oo loo la yiraahdo khadka Witness to War ayaa aad mashquul u noqday ka dib weerarkii dhowaan lagu qaaday xeebta Bondi Beach. Dowladda federaalkuna waxay ugu deeqday $3.6 million.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 29 December 2025
29/12/2025 Duración: 04minDanjiraha Soomaaliya u fadhiya Ururka Carabta ayaa Israel ku cambaareeyey aqoonsigeeda Somaliland. Premier-ka New South Wales-na wuxuu shacabka ku war- geliyey inay habeenka sannadka cusub arki doonaan booliis hub culus wata.
-
Barnaamijkii Jimce 26 December 2025 oo dhammays tiran
28/12/2025 Duración: 48minHalkan ka dhegeyso: Warkii doorashada golaha deegaannada gobolka Benaadir ayaa ka mid ah barnaamijka jimcaha 26 December 2025 oo dhammaystiran.
-
SBS News Somali: Warka Jimce 26 December 2025
26/12/2025 Duración: 09minDadweynaha Australia ayaa loogu baaqay inay ka digtoonaadaan budhcadda Internetka xilligan lagu jiro ee waxa ugu badan laga iibsado online. Dalka Algeria ayaa Faransiisa ka dalbaday raalli gelin iyo magdhow ku saabsan dhibaatadii uu geystey muddo 130 sano ah oo uu addoonsanayey.
-
Somalia News - Warka Soomaaliya: Jimce 26 December 2025
26/12/2025 Duración: 10minDoorashayoonkii golaha deegaannada Bendaadir oo ka qabsoomay Muqdisho iyo madax ka socota qaranka oo ka hadlay.
-
SBS News Somali: Warka Arbaco 24 December 2025
24/12/2025 Duración: 10minBaarlamaanka gobolka New South Wales ayaa ansixiyay sharciyo cusub oo lagu doonayo in lagu xaddido mudaharaadyada dhaca weerarro argagixiso. Sharciyada cusub ayaa mamnuucaya in mudaharaadyo la oggolaado ilaa 90 maalmood kadib marka uu dhaco fal argagixiso—iyadoo ay suurtagal tahay in mamnuuciddaasi ka hirgasho guud ahaan gobolka New South Wales oo dhan.
-
Dhiig-karka qarsoon sidee lagu ogaan karaa?
24/12/2025 Duración: 05minKumanyaal qof oo Australiyaan ah ayaa laga yaabaa, inay qabaan dhiig-kar. Haddii aynu si kale u dhignana, laga yaaba in cadaadiska dhiigoodu sarreeyo, iyaga oo aan ogeyn—inkastoo ay suurto galba tahay inay soo mareen baaritaan dhakhtar. Daraasad cusub ayaa muujisay, in habka hadda loo cabbiro cadaadiska dhiigga, ama dhiig-karku, uu mararka qaar noqdo mid aan sax ahayn.
-
Saameyntii 2025 ee siyaasadda iyo amniga Australia
24/12/2025 Duración: 22minSiyaasaddaha Australia sannadkan 2025,, waxaa la yiraahdaa waxay ahayd, mid bilowgii horeba la sii saadaalin karayey iyo kuwo filanwaa noqdayba. Waxaa ka mid ahaa doorashadii bishii May, oo uu xisbiga Labor-ku dib ugu soo laabtay talada, isagoo guul ballaaran ku hantiyay, halka laba hoggaamiye oo mucaarad ah — Peter Dutton iyo Adam Bandt — ay labaduba lumiyeen kuraastoodii.