Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/08/2024 Duración: 02minDad ka badan ayaa muddo dheer shaqa la'aan ah, marka loo eego tirakoobyada cusub ee wakaaladda tirakoobka ee magaceedaa loo soo gaabiyo SCB. Wakaaladda macaamiisha ayaa hadda go'aansatay in ay baarto shilkii dhimashada sababay ee ka dhacay Skara sommarland oo wiil toban jir ah uu ku qaraqmay bilowgii bishii Agoosto. Wax iibsiga online-ka ee Iswiidishka ayaa sii kordhaya, gaar ahaan alaabada dibedaha. Booliska Göteborg ayaa helay hub badan oo qarsoon oo lala xiriirinayo dambiilayaal burcad ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/08/2024 Duración: 02minDalka Jarmalka ayaa dacwad lagu soo oogey laba nin oo weerar argagixiso ku qaadi lahaa xarunta baarlamanka Iswiidhen. Xukuumadda Iswiidhen ayaa u magacoowday ergey gaar ah dalka Yukrayn. Bangi kale oo ka mid ah bangiyada waaweyn ayaa hoos u dhigaya ribada deeymaha guryaha lagu iibsado.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/08/2024 Duración: 02minKa dib hoos u dhisgistii shalay dulsaarka hagidda ee Bangiga Qaranka ey hadda dhowr bangi dhimeyaan ribada deeymaha guryaha. Nin 35-meeyo jir ah ayaa lagu soo eedeeyey tuhun la xiriira afar kiis oo isku day dil ah ee magalaada Västerås. Ilmaha Iswiidhen ku dhaqan ayaa ku riyooda iney noqdaan aqoon yahan cilmiga caafimaadka xoolaha, youtuber, boliis, iyo khabiir jardiinooyinka la beerto. Khiyaanoole isku dayay inuu dhaco islaan sagaashameeyo jir ah ayaa gacanta lagu dhigay degmada Huddinge.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/08/2024 Duración: 02minShirkadda dhismaha ee JM ayaa ku wargelinaysa iney shaqada waayi doonaan 145 shaqaale oo uga howlgala Iswiidhen. Hoggaanka degmada Göteborg ayaa ku wareejin doona nus bilyan karoon beerta raaxada ee Liseberg. Laba nin ayaa dacwad lagu soo oogey kadib markii lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen abaabulka 43 kiilo oo ah maandooriyaha koka'iinta oo dalka kontarabaan lagu soo geliyey. Machadka Karolinska iyo jaamicadda Uppsala ayaa weli ka mid ah 100-ka jaamicadood ee caalamka ugu wanaagsan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/08/2024 Duración: 02minIswiidhen ayaa lagu qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay fal argagixisnimo oo ka dhacay dal kale. Islaantii dhashay Rawa Majid, oo loo yaqaanno dawacadii kurdishka, aya lagu qabtay deegaanka kurdida ee dalka Ciraaq Dalka Mareeykanka ayaa lagu dhow yahay in lagu guuleeysto xalinta dil loo geeystay haweeney Iswiidhish ahayd muddo 50 sano hada ay ka soo wareegtay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
16/08/2024 Duración: 02minIswiidhan ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee noocyada cusub ee cudurka fayraska mpox. Nin ayaa laga helay cudurkan magaalada Stockholm, ka dib markii uu ku ka soo laabtay Afrika. 20 qof ayaa lagu soo oogay dacwad, kuwaas oo looga shakisan yahay, waxyaabo ka ah diyaargarowga dil ee Väsby ee Upland ee jiilaalka hore.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/08/2024 Duración: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Saddex qof oo rummaanka loo dhigey faldembiyeed oo ka dhacay xaafadda Södermalm ee Stockholm.Saddex qof oo kale oo lagu soo oogey iney ka dambeeyeen dil nin soddomeeyo jir ah xaafadda Fittja bishii maarso 2024.Xukuumadda oo u magacawday agaasimeyaal cusub heyadda hoggaanka bulshada iyo wakaaladda kastamka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/08/2024 Duración: 02minMaxkamad Jarmal ah ayaa u yeertay muwaadin reer Yukreeyn ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa qarxinta dhuumaha gaaska Nord Stream ee badda Baltikada ee sanadkii 2022. Kiiskii Baaritaanka ka dhanka ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga dalka Ciraaq Najah al-Shammari ayaa la xiray. Waxaa si isa soo taraysa isla markaana noqonaysa wax caadi ah in askarta booliisku ay shaqadooda ku waayaan sababo la xiriira habdhaqan aan habboonayn.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
13/08/2024 Duración: 02minWaxaa hadda caddaatay inuu sarkaal ka tirsan boliiska uu ka howlgeli doono dalka Danmark, sida ay ku warrantay laanta idaacadda ee P4 Malmöhus. Maxkamadda sare ee Sweden ayaa go'aan ku gaartay inaanay furi doonin dacwaddii la xiriirtay gabar yar oo waalidkeed ey ku sumeeyeen khal magaalada Eslöv. Boliiska dalka Noorwey ayaa doonaya inuu bilaabo wadashqeeyn kormeerid howlgal ah oo uu la yeesho boliiska iswiidhishka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Swiidhen
12/08/2024 Duración: 02minHaweeney u geeriyootey dhaawac ka soo gaarey shil baabuur magaalada Linköping iyo qaar kale oo ku dhaawacmey. Sicirka cuntada oo kor u kacay 0,2 boqolkii bishii luulyo. Qajaarka iyo baradhada ayaa ugu qiime kac sarreeya. Ciyaartooydii qaaddey billaddii dahabka Olombikada David Åhman iyo Jonatan Hellvig ayaan todobaadkan ka qeyb geli doonin tartanka adduunka ee kubbadda laliska xeebta ee dalka Holland. Dacwad maanta ka furantay Stockholm soconna doonta 24 maalmood oo 8 nin la hor keeney.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/08/2024 Duración: 02minDalka Danmark ayaa adkeeyay baarista xuduudda uu la wadaago Sweden. Ninkii horaantii todobaadkan loo xiray tuhun dil ah ee magaalada Malmö, ayaa hadda dacwad oogayaasha ka codsadeen in xabsiga la dhigo. Shirkadaha raashinka ee soo saara miraha sida malmalaatada iyo casiirka ayaa lagu qasbay labadaba, ogeysiis iyo shaqo joojin.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
08/08/2024 Duración: 02minWixii ka dambeeyay bishii abriil ee sannadka ayey 25 kiis oo xiriir la leh gaaniska reer Iswiidhen ey ka dhaceen dalka Danmark. Qiimaha lacagta koronka Iswiidhishka ayaa kor usoo kacay marka loo eego doloarka iyo euro-da labadaba. Baabuurta tijaabooyinka ee Yurub ayaa xilliyada soo socda lagu wadaa in lagu daabulo tareemmo wadada xadiidka gudaha.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/08/2024 Duración: 02minIntii lagu guda jirey bishii Luulyo ayey 19 qof biyo ku harqadeen. Nin iyo naag ayaa lagu qabtay xuduudda Iswiidhishka, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay qarax fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Kobenheegan. Nin 27 jir ah ayaa lagu xukumey rummaanka, midkaasi oo lagu tuhunsanaa toogashadii geerida sababtay ee ka dhacday xaafadda Midsommarkransen oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/08/2024 Duración: 02minBoliiska ayaanay hadda u muuqan xiriir cad oo ka dhexeeya saddex qof oo ku geeriyoodey magaalada Skelleftå, kuwaasi oo ka wada shaqeeyn jirey warshadda Northvolt. Nin 35-meeyo jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad ka dhan oo la xiriirta isku day dil. Magaalada Inka oo dhacda nawaaxiga Machu Picchu, dalka Peru ee koonfurta Ameerika ayaa ugu sarreeysa liiska goobaha ey jeclaan lahaayeen iswiidhishku iney booqdaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/08/2024 Duración: 02minLabo nin ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dilka wiil 25 jir oo ka dhacay magaalada Borås. Safarada hawada ee gaaroonka dayuuradaha Landvetter ayaa kordhay. Tirada dalxiisayaasha Iswiidhishka ah ee uu ku dhacay xanuunka caloosha ee laga qaado dibadda ayaa kordhay sannadkan.
-
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen
02/08/2024 Duración: 02minCiyaaryahanka reer Iswiidhen eeTruls Möregårdh ayaa u soo baxay cayaarta faynalka ee kubbadda miiska ee ciyaaraha Olombikada Baariis. Degmada Sunne ee gobolka Värmland ayaa xabsiga loo taxaabay siyaasi ka tirsan maamulka degmada, kaas oo looga shakisan yahay inuu isku dayey inuu dillo nin ay saaxiibo ahaayeen.
-
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen
01/08/2024 Duración: 02min16 jir iswiidhish ah ayaa lagu tuhunsan yahay isku day dil oo ka dhacay xaafadda Nørrebro ee magaalada Kobenheegan. Xiisaha loo qabo gawaarida Korontada ku shaqeeya oo hoos u dhacay. Barka koonfureed ee dalka oo cimilo wanaagsan yeelaya doona halka ey roobab xooggan oo sahlan ka di'id doonaan wqooyiga.
-
maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee raadiyaha Iswiidhen
31/07/2024 Duración: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ra'iisul wasaaraha Iswiidhen Ulf Kristersson oo mar kale ku celiyay digniinta ah in aan loo safrin Lubnaan. KooxdaTaalibaan oo jaray xiriirkii ay la lahaayeen dhowr safaaradood oo ay caalamka ku lahaayeen, eyna ku jirto safaaradda uu dalkaasi ku leeyahay Stockholm. Toddobo qof oo u dhaqdhaqaaqa cimilada oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay isku dayeen inay ka hortagaan goob macdanta laga qodo oo ku taalla Grimsås ee degmeda Tranemo.
-
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen
30/07/2024 Duración: 02minLabbo qof oo meydkooda laga dhex helay gaari gubtay oo loo maleeynayo inay u dhasheen Ingiriiska. 50 jir ka shaqeyn jiray goobaha adeegyada guryaha loona heeystay dilkii haweeney da' ah inuu dilay oo xabsi daa'inlagu xukumay. Qaar ka mid ah kooxaha heesaha dhaqanka Iswiidhen ee lagu magacaabo dansband oo ka cabanaya Rribada dahsoon ee heesaha dhaqanka.
-
Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee Raadiyaha Iswiidhen
29/07/2024 Duración: 02minWiil 15 jir ah ayaa loo xiray ku lug lahaansho looga shakisan yahay dil ka dhacay Bagarmossen oo dhacda koonfurta Stockholm horaantii bishii Luulyo. Toogasho ka dhacday magaalada Jävla ayaa lagu dhaawacay saddex ruux kuwaas oo midkood markii dambe uu u dhintay dhaawicii ka soo gaaray. Waddada E 45 ee barbar marta Lilla Edet,ayaa la filayaa in dib loo furo 24saacadood gudood.